Howlgal lagu furtay hub laguna jabiyayay Al shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo maanta ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ee Bariga Gobolka Galgaduud ay ka fuliyeen, iyadoo la sheegay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxdaasi, waxaana la sheegay in in la qabtay hub badan.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada Geerile oo u dhaxeysa deegaanada Baraak Sheekh Caamir iyo Xuseen Cageey sida ay sheegeen saraakiisha hogaamineysa howlgallada.

Ciidamo deegaanka ah oo abaabulan ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal fool ka fool ah oo xubnaha Al shabaab lagu jabiyay.

Saraakiisha deegaanka ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay khasaare gaarsiiyeen, islamarkaana ay qabsadeen hub iy agab kale.

Muuqaal laga soo duubay howlgallada la xoojiyay ayaa muujinayay hubkii ay Al-Shabaab ka soo furteen oo uu ka mid ahaa qori AK47 ah.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dagaalyahannada Al-Shabaab oo ku aadan howlgalka ay ciidamada deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley ay guulo ka sheegteen gobolka Galgaduud.

Howlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka socda gobollada dhexe, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kooxaha abaabulan ee loo yaqaano Macawisley.

Wadashaqeyn naadir ah oo dhexmartay ciidamada dowladda federaalka, saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawisley ayaa gacan ka geystay guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray dagaalyahannada Al-Shabaab iyadoo dhowr goobood oo muhiim ah laga saaray kooxda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed