Ciidamada Hay’adda Sirdoonka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa sheegay in ay fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday goob ay ku shirsanaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku taalla gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA ay ku sugnaayeen xubno muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo waday abaabul iyo qorsheyn lagu waxyeelleyn lahaa sida hadalka loo dhigay shacabka deegaanka.
NISA waxay sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 8 xubnood oo ay ku jireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, kuwaas oo lagu weeraray xilli ay ku jireen shir qarsoodi ah oo la rumeysan yahay inay diiradda ku saarnaayeen weerarro qorsheysan.
“Howlgalkaas waxaa lagu dilay 8 xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda.
War-saxaafadeedka ayaan faahfaahin magacyada horjoogayaasha la dilay, hase yeeshee ilo-wareedyo amni ayaa sheegaya in lagu weeraray guri gaar ah oo ay ku kulansanaayeen xubnahaas, isla markaana weerarka uu ahaa mid si gaar ah loo duway.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in lagu wiiqo awoodda Alshabaab, gaar ahaan meelaha ay weli ka wadaan abaabulka iyo weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah.
Alshabaab ayaa dagaallo culus oo ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ku qabsaday taniyo Abriil Aaden Yabaal, Masaajid Cali Gaduud iyo Moqokori, iyaga oo dhamaadka bishii hore ee Luulyo qabsaday degmada istiraatiijiga ah ee Maxaas.
HBN ONLINE TV