Howlgal lagu dilay ku dhawaad 10 Alshabaab ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya NISA ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay tuulada Buulo-Xoog, oo u dhow deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan. Intii uu socday howlgalkaas, waxaa la dilay sida la sheegay ugu yaraan 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab, iyadoo sidoo kale la burburiyay labo gaari oo xamuul ah oo siday hub iyo maleeshiyaad.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA, howlgalka ayaa ahaa mid si xeeladeysan loo qorsheeyay, kadib markii ay Sirdoonka Qaranka ay si dhow ula socdeen dhaqdhaqaaqa gaadiidkan iyo kooxaha la socday. Beegsiga ayaa dhacay xilli gaadiidku ay ka soo laabteen deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan – kuna sii jeedeen Buq-Aqable.

Howlgalka, oo ay fuliyeen cutubyo khaas ah oo ka tirsan NISA, ayaa lagu burburiyay gaadiidka, hub, iyada oo dilay sida la tilmaamay xubno muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab.
Hay’adda Sirdoonka ayaa xaqiijisay in caddaymo muuqaal ah laga duubay howlgalka, kuwaas oo lagu wado in si rasmi ah loola wadaago shacabka, si ay u arkaan guulaha laga gaaray la dagaallanka Alshabaab.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto sifeynta Alshabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed