Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in Howlgallo qorsheysan oo ka dhacay magaalooyinka Jilib ee Jubbada Dhexe iyo deegaanka Ugunji ee Shabeellaha Hoose in lagu dilay xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgal 19-kii bishan ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Kuunyo Barrow iyo degmada Jilib, ayaa la sheegay in lagu dilay Horjooge Cabdixamiid Cali Cabdullaahi Macalin, oo ahaa madaxii isku xirka Alshabaab iyo kooxaha kale ee loogu yeero argagixisada caalamiga ah, mas’uulna ka ahaa soo gelinta hubka iyo agabka qaraxyada gudaha dalka.
Sidoo kale, war saxaafadeedka NISA ayaa lagu sheegay in howlgal 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Ugunji in lagu dilay Horjooge lagu magacaabo Suleyman Cumar Fidow, oo loo yaqaanay Faaruuq, Maxamed Cabdullaahi iyo Cali Saciid, kaas oo ahaa horjoogihii sida hadalka loo dhiagy naftood-haligeyaasha ee Alshabaab, isla markaana loo diyaarinayay in uu beddelo madaxii qaraxyada ee bishii December sanadkii hore la dilay.
Howlgalladan ayaa la tilmaamay inay ka qayb ahaayeen dadaallada joogtada ah ee NISA iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ee lagu burburinayo awoodda Alshabaab iyo shabakadaha kale ee loogu yeero argagixisada.
Weli kooxdu ma aanay qiran dilka xubnahaan NISA sheegtay in la qaarajiyey.
HBN ONLINE TV

