Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Deegaanka ka fuliyeen aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Alshabaab.
Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Jowle, halkaas oo ay ciidamadu ku dileen ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxdaasi. Guddoomiyaha degmada Xarardheere Casayr Ibraahim Mataan ayaa Warbaahinta dowladda Soomaaliya u xaqiijiyay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana lagu gaaray ujeeddooyinkii la damacsanaa.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in xogta sahashay howlgalka ay ciidanka ka heleen dadka reer guuraaga ah ee deegaanka Jowle, kuwaas oo si toos ah ula wadaagay dhaq-dhaqaaqyada xubnaha Alshabaab oo carrababaay inay dhibaatooyin joogta ah ku hayeen bulshada deegaanka.
Ciidamada deegaanka ayaa la sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab, iyaga oo kaashanaya shacabka si loo sugo amniga loogana ciribtiro khatarta waxa loogu yeero argagixisada ee gobolka Mudug.
HBN ONLINE TV