Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaan hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxay ku dileen tiro maleeshiyaad kooxda Alshabaab ka tirsanaa — iyada oo khasaare kale la gaarsiiyey, sida ay ku warantay dowladda Soomaaliya.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan isla markaana si guul leh loo fuliyay ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ku dileen 5 xubnood, kuwaas oo sida la tilmaamay ‘dhibaato joogto ah’ ku hayay dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan Baardheere
Wxaan intaasi lagu daray in inta uu socday howlgalka, ciidamadu gebi ahaanba burburiyeen fariisimo iyo fadhiyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxdan, kuwaas oo ay ku abaabuli jireen falal amni-darro.
Ugu dambeyn, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay mar kale adkeeyeen go’aankooda ah difaaca shacabka iyo ciribtirka kooxaha ay dowladdu ugu yeerto ‘nabad-diidka’, iyagoo ugu baaqay dadka ray iska inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga.
HBN ONLINE TV

