Howlgal culus oo ka dhacay gobolka kaasoo lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo Al-Shabaab ah laguna burburiyay gaadiil dagaal

In ka badan 30 ka tirsan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Carfuuda oo hoostaga magaalada Xarardheere ee maamulka Galmudug, deegaankaan ayaa qiysaatii 20 KM magalaadaas kaga beegan dhanka Waqooyi Bari, qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya gor dhaw ayaa lagu yiri .

Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday ilaa labo xarumood oo ay isku abaabulayeen maleeshiyaadka kooxda Al shabaab, isla markaana ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

Dowladdu waxaa ay sheegtay sidoo kale in burburiyeen sanaad ciidan, gawaari dagaal iyo qaraxyo goobtaas yaallay.Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo garab ka heleysa Saaxiibo Caalami ah, ayaa muddooyinkii dambe beegsaneysay xarumo kala duwan oo Shabaab ay ku leeyihiin koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed