Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay howlgal gaar ah kula wareegeen gacan-ku-haynta deegaanka Istiraatiijiga ah ee Geel-gub oo ku dhow degamada Masjidka Cali Gaduud iyo saldhigyo muhiim ah oo ay horey u maamuli jireen Alshabaab.
Howlgalka ayaa waxaa fuliyey cutubyo ka tirsan Guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, Guutada 12-aad ee Ciidanka Gaarka ah iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, kuwaas oo howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay deegaanka.
Ciidamada ayaa sheegay inay burburiyeen difaacyadii Alshabaab ee ku yaallay deegaanka, isla markaana ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxda oo ay ku jiraan qaar ka mid ah horjoogayaasheeda, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhibaatooyin ka geysteen deegaannadaasi sida hadalka loo dhigay.
Sidoo kale, Geel-gub ayaa ka mid ahaa goobaha ay Alshabaab ku lahaayeen saldhigyo muhiim ah, waxaana ciidamada dowladda ay sheegeen in la wareegidda deegaanka iyo fariisimahaasi ay qeyb ka tahay howlgallada militari ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.
“Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad ee Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor iyo Guutada 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal bur-burin Gobolka Shabeellaha Dhexe kula wareegay gacan-ku-heynta Deegaanka Geel-gub iyo saldhigyo muhiim ah oo ay horay u maamuli jireen Khawaarijta” ayaa lagu yiri warka ciidamada ka soo baxya.
Hawlgalkan ayaa imaanaya, iyadoo 4-tii bishan September ay ciidamada Sirdoonka NISA sheegeen in howlgal lagu dilay 19 xubnood oo Alshabaab ah oo uu ku jiro sarkaal sare uu ka dhacay deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
HBN ONLINE TV

