Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay ka fulisay magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Alshabaab.
Howlgalka ayaa la sheegay in uu dhacay iyadoo NISA ay kaashaneysay saaxiibada caalamiga ah ee dhanka amniga, waxaana bartilmaameedka uu ahaa hoggaamiyahaan oo la tilmamaay inuu ahaa mid muhiim ah, kaas oo ku sugnaa nawaaxiga bannaanka degmada Saakow xilliga la beegsanayay. Hay’addu ma aanay sheegin magaciisa saxda ah xubintan la dilay waxa uu u qaabilsanaa kooxda Alshabaab.
NISA ayaa tilmaamtay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda iyo hoggaanka Alshabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka loogana hortago khataraha ay kooxdaasi ku hayso shacabka Soomaaliya.
Dowadda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay fulisay howlgallo kala duwan oo lagu beegsaday xubno sar-sare oo ka mid ahaa kooxda Alshabaab oo ay muhiimsanaayeen kuwa qaraxyada, dhaqaalaha iyo tababarada uuna ugu dambeeyeen Horjooge Cabdullaahi Xasan 23-kii Janaayo lagu dilay iyo Axmed Dhubad Xidig oo shan maalin kadib isna beegsi NISA ku xaqiijisay in lagu dilay Koonfurta dalka.
HBN ONLINE TV

