Horjooge sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa maanta lagu dilay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka CXD ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Horjoogahan, oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Abuukar Cali laguna naanayso Xuudey, ayaa la xaqiijiyey inuu ahaa mas’uul sare oo kooxda u qaabilsanaa sida hadalka loo dhigay maaliyadda gobolka Bakool iyo tashkiilinta carruurta yaryar ee sida qasab ah loogu daro maleeshiyaadka Alshabaab.
“Waqtigan, wuxuu Khawaarijta ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka” ayaa lagu yiri warka Taliska CXD.
Dilka ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Mooragaabey – goob toddobaadkii laba jeer ah ay ka furmaan suuqa dadka xoogalaha ku kala gataan – xilli Xuudey uu ku safraayay mooto nooca Fekon. Goobjoogayaal ayaa sheegay in uu ahaa shaqsi si weyn looga yaqaanay deegaannada Galbeedka Bakool ilaa xadka gobolka Gedo.
Sidoo kale,Taliska CXD ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyey shabakad ka howlgeli jirtay aaggaas. “Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas” ayaa la sii raaciyey.
Dilkan ayaa ku soo beegmay, kadib markii sanadkii hore ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay dileen Cabdullaahi Maxamed Yare Qori, oo isna xilkan uga magacaabnaa kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV