Afar ka mid ah horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo dhawaan laga saaray dagaalyahannada Al shabaab oo muddo dheer xukumayay, ka dib howlgal ay sameyeen ciidamada isku dhafka ah.
Afarta hoggaamiye ee isa soo dhiibay ayaa lagu kala sheegay, Horjoogahii Buulo Xaaji, Madaxii Maaliyadda, Taliyaha Amniyaadka iyo wax loogu yeeray Madaxii Baadda ee isla deegaanka, sida ay baahisay warbaahinta ciidamada Soomaaliya maanta.
Dhinaca kale, dowladda Sooomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan tuulada Buulo Xaaji iyo nawaaxigeeda ayaa heleem Adeegga Internetka oo ay go’doomiyeen kooxda Al shabaaab. Warkan ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in si diiran dadka deegaanka ah u soo dhaweeyeen la jaanqaadida dunida ee Internet-ka ah, oo haatan Soomaaliya ka ah mid adeegyadda lagama maarmaanka ah.
Taniyo markii dalka uu ka bilaawday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al shabaab. hoggaamiyaal iyo xubno badan oo ku lug lahaa kooxdaas ayaa siyaabo kala duwan iskugu soo dhiibay dowladda Soomaaliya, ka dib markii cafis loo fidiyay xubnaha ka soo tanaasula fikirka Al shabaab.
HBN NEWS DESK