Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Aussom ayaa sheegay in howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxd Alshaabab iyo laba ka mid ah ilaaladoodii gaarka ahayd.
Intii lagu guda jiray howlgalka ciidamada Xoogga dalka ayaa tilmaamay in gacanta lagu dhigay agab wax duuba oo Kaamirooyin ah, doorbino iyo qalab sahamin ah oo kooxdu u adeegsanayeen sida hdalka loo dhigay howlgalladooda.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay sii laba-jibbaareen dadaallada lagu ciribtirayo Alshabaab, iyadoo sida hadalka loo dhigay jab culus la gaarsiiyay cadowga, sida aan ka soo xiganayno raadiyaha Ciidamada.
Howlagalkan ayaa ku soo aadaya, iyada Sirdoonka Soomaaliya ay shaaciyeen 9-kii bishaan September in howlgal ay iska kaashadeen NISA iyo Saaxiibada caalamka in lagu dilay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose maskaxdii ka dambaysay qaraxii ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta oo lagu weeraray kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh, 18-kii Maarso 2025.
Horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax, oo sidoo kale lahaa magacyada afgarashada (Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal).
HBN ONLINE TV