Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha dagaallada & siyaasadda ayaa saadaaliyay in dagaalka Suudaan uu u gudbi doono Gobolka Darfur, waa haddii RSF ay sii wado dib u gurashada caasimadda Khartuum, taasoo sare u qaadaysa khatarta rabshado kale oo lala beegsado dadka ku nool aaggaas.
Cameron Hudson, oo ah sarkaal hore oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, haddana ka shaqeeya Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee Washington, ayaa ayuu u sheegay wargeyska Wall Street Journal in khadadkii saadku u mari jiray ciidamadae RSF ay hadda soo xirmayaan ka dib laba sano oo dagaal ahli ah lagu jiray.
Isagoo ka hadlayay ciidamada RSF & guuldarrada soo gaaraysay toddobaadyadii u dambeeyay wuxuu yiri, “Waxay si joogto ah ula kulamayaan guuldarro, halka markii ugu horreysay ay ciidamadu si buuxda u joogaan goobihii lagu dagaalamayay,” ayuu u sheegay wargeyska Wall Street Journal.
Ka dib markii ciidamada Suudaan ee uu hoggaamiyo Jeneral Cabdulfatax Al Burhaan ay furimaha hore ee dagaalka horumar wayn ka sameeyeen, dadka arrimaha dagaalka indha-indheeya waxaa u muuqda ifafaalayaal cajiib ah gaar ahaan in taliyaha RSF Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaan Hemedti aanu ka soo muuqan goob fagaara ah muddo bilo ah, taasoo keentay in la isla dhex maro su’aalaha ku aadan halka uu ku sugan yahay.
Maqnaanshihiisa ayaa niyad jab ku abuuray dagaalyahannadiisa, boqollaal ka mid ah waxay ka baxeen caasimadda iyagoo u sii jeeda guryahoodii Darfur, sida ay sheegeen saraakiisha Suudaan iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada. RSF waxaa hogaaminaya ku xigeenka Hemedti oo walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabo Cabdiraxim Hamdan Dagalo.
Dagaalyahan hore oo RSF ah oo hadda dibad-joog ku ah Uganda ayaa isagoo la hadlayay wargeyska Wall Street Journal wuxuu yiri “Inta badan dagaalyahannada RSF waxay dareemayaan in Hemedti uu dayacay.”
Tani waxay timid ka dib markii ciidanku ku dhawaaqay, Sabtidii, in ay dib u qabsadeen “aagga Abu-Qouta iyo degaannada bariga Niil iyo Kafouri.” Afhayeen u hadlay RSF ayaa sheegay in la buun buuniyay wararka ku saabsan guulaha ay ciidamadu gaareen. Wuxuu sheegay in RSF ay weli gacanta ku hayso inta badan caasimadda Khartoum.
Ciidamada ayaa dhawaanahan guulo la taaban karo ka gaaray gacan ku haynta madaxtooyada, iyagoo dib uga noqday dagaal ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, in ka badan 12 milyan oo kalena ay ku barakaceen tan iyo markii uu billowday bishii April 2023.
Bishii Janaayo, Ciidamada dowladda ayaa dib u qabsaday bartamaha magaalada Wad Madani, oo ah caasimadda gobolka Jazira, ka hor inta aanay u sii dhaqaaqin caasimadda Khartoum.
Laba toddobaad ka hor, waxay la wareegeen gacan ku haynta xarunta dhexe ee Khartoum, oo ay RSF qabsatay tan iyo Agoosto 2023.
Horay waxaa loo qaaday xayiraadii saarneyd warshada saliidda sifeysa ee Al-Jili oo ku taal waqooyiga Khartoum, taasoo ah tii ugu weyneyd ee nooceeda ah ee dalkaasi.
Bilawgii dagaalka oo qarxay April 2023, ciidamada taageera ayaa la wareegay gacan ku haynta inta badan Khartuum, iyagoo u sii siqaya dhanka koonfureed, waxayna qabsadeen gobolka Jasiira.
Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh
HBN Online TV