Hoggaamiye sare oo ka tirsan Daacish oo lagu dilay hawlgal gaar ah oo ka dhacay Puntland

Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacish ayaa lagu dilay hawlgal qorshaysan oo la sheegay in si guul leh uga dhacay magaalada Puntland. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah, howlgalka oo si wadajir ah u fuliyeen ciidamo dhulka ah iyo taageero dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday shaqsi muhiim ah oo la tuhunsanaa, kaasoo si buuxda loo xaqiijiyay inuu yahay ruux magaciisa lagu sheegay Axmed Muuse Siciid.

Howlgalka ayaa la tilmaamay in si taxaddar leh loo abaabulay oo lagu bartilmaameedsaday Axmed Muuse Siciid sababo la xiriira doorkiisa muhiimka ah ee uu ku lahaa howlaha Daacish ee gobolka. Waxaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa qorsheyaal amni-darro abuuraya oo saameynaya nabadda gudaha iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Kadib baaritaan kadib howlgalka, waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay aqoonsigiisa, taasi oo sababtay in la bartilmaameedsado. Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in dilkiisu uu yahay sdia hadalka ay u dhigeen dharbaaxo weyn oo ku dhacday awoodda howlgal ee kooxda Daaacish, ayna adag tahay inay si fudud uga soo kabtaan khasaarahaasi soo gaaray.

“Guusha hawlgalkan waxay mar kale muujinaysaa sida ay u go’an tahay la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta amniga gobolka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed dhanka Puntland ah “Ka takhalusidda hoggaamiye muhiim ah waxay daciifinaysaa shabakadda Daesh si weyn.”

Mas’uuliyiinta amniga waxay amaan u jeediyeen howl-wadeennadii ka qayb qaatay howlgalka, iyagoo xusay xirfaddooda, isuduwidda adag iyo geesinimada ay muujiyeen intii uu socday howlgalka muhiimka ah.

Falanqeeyayaasha amniga ayaa sheegaya in dilka Axmed Muuse Siciid uu keeni karo jahawareer ku yimaada hoggaanka Daacish, taasoo laga yaabo inay fursad u noqoto guulo dheeraad ah oo laga gaaro kooxdaasi Soomaaliya gudaheeda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed