Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa ka hadlay geeddi-socodka doorashada qof iyo cod ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), isaga oo sheegay in maamulkiisu uu noqon doono meesha labaad ee laga bilaabo is-diiwaangelinta doorashada, kaddib gobolka Banaadir.
Firdhiye oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Doorashada socota ee qof iyo codka ah, meesha labaad ee laga bilaabayo waa SSC-Khaatumo – waxaan rabnaa inaan awoodda shacabka muujino.” Wuxuu intaas ku daray in maamulka uu diyaar u yahay inuu horseedo hirgelinta doorashooyin dadweyne oo xor ah, isagoo ku boorriyey guddiga doorashooyinka qaranka in ay si rasmi ah uga jawaabaan codsigooda ee ku aaddan ka qaybgalka doorashada.
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo wuxuu si buuxda garab istaag ugu muujiyey DFS oo wadda qorshaha lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah oo heer qaran ah. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeybgalay madashii dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka dhasheen fal-celinno kala duwan oo ay ku larnaayeen arimo siyaasadeed.
Maamulka SSC-Khaatumo oo dhawaan helay aqoonsi rasmi ah oo ka yimid DFS, ayaa bilaabay in uu helo adeegyada aasaasiga ah ee dowladnimo, arrintaas oo muran iyo dhaleeceyn ay ka keeneen qaar ka mid ah dhinacyo siyaasadeed, kuwaas oo aan ku qanacsaneyn habka ay dowladda u wajahday aqoonsiga maamulkaas cusub.
Firdhiye ayaa hadalkiisa ku soo xiray baaq ku wajahan shacabka SSC-Khaatumo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.
HBN ONLINE TV