Taliyaha Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dalka Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti), ayaa sheegay in uu si toos ah ugu biiri doono jiidaha hore ee dagaalka, kadib markii ciidamadiisu dib uga gurteen meelo ka tirsan Waqooyiga Kordofan iyo gobolka Buluu Nayl.
Khudbad muuqaal ah oo uu jeediyay fiidnimadii xalay ayuu Hemedti ku sheegay in ciidamadiisu ay dagaallo habeen iyo maalin socda la galeen ciidamada dowladda Suudaan, isagoo ku andacooday inay khasaare gaarsiiyeen ciidanka dowladda labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Hemedti ayaa ku amray ciidamada RSF inay beddelaan habka ay u maareeyaan dagaalka, isla markaana ay joojiyaan duubista muuqaallada goobaha dagaalka, isagoo sheegay in howshaas loo daayo saraakiisha loo xilsaaray si aan loo siin “cadowga xog bilaash ah.”
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la adkeeyo anshaxa ciidamada, lana sifeeyo waxa uu ku tilmaamay “tiirka shanaad,” isagoo carrabka ku adkeeyay in laga bilaabo maanta dagaalku noqon doono “arrin jiritaan ama dabar-go’.”
Taliyaha RSF wuxuu sheegay in “xeerarka ciyaartu ay isbeddeli doonaan” isla markaana uu safka hore kula jiri doono dagaalyahannadiisa, inkasta oo uusan shaacin goobaha uu ku wajahan yahay. Wuxuu xusay in hoggaaminta dagaallada ay gacanta ugu jirto ciidamada ku sugan furimaha, isagoo sheegay inuusan ka soo horjeedin nabadda.
Dhanka kale, ciidamada Suudaan iyo xoogagga taageera ayaa ku dhawaaqay guulo waaweyn oo ay ka gaareen dagaalladii ka dhacay Waqooyiga Kordofan. Ciidamadu waxay sheegeen inay dib ula wareegeen magaalooyinka Bara, Jabra Al-Sheikh iyo Um Siala, kuwaas oo ku yaalla waddada muhiimka ah ee isku xirta Omdurman iyo Al-Cubeyd.
Ilaa hadda, RSF si rasmi ah ugama aysan hadlin sheegashada ciidamada dowladda ee ku saabsan dib ula wareegista deegaannadaas iyo khasaaraha ka dhashay dagaallada.
HBN Online TV + Wakaaladaha Wararka

