Hoggaamiyaha Ciidamada Deegaanka ee gobolka Hiiraan ahna Duqii hore ee gobolka Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta si adag u weeraray madaxda maamulka Hirshabeelle iyo qaabka dowladda federaalka u wajahday shirka golaha amniga qaranka ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho.
Cali Jeyte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaallo culus ay ka socdaan gobolka Hiiraan, halkaasoo beelaha deegaanka oo kaliya ay si dhab ah ugu jiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Wuxuu si gaar ah u muujiyey tabashooyin ku saabsan matalaad la’aan siyaasadeed oo ay la kulmayaan, isagoo tilmaamay in aysan jirin cid ay ku leeyihiin shirka amniga qaranka ee Muqdisho, halka madaxda maamulka Hirshabeelle uu ku eedeeyay sida uu hadalka u dhigay inay “dalxiis” ku joogaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Saaka dagaallaa dhacay, xabad adag baa ka socota Hiiraan. Madax baan idiin nahay ayey leeyihiin, midna Nairobi dalxiis ayuu u joogaa. Wakhtigoodii waa dhammaaday, maanta ka dibna waxa ka dhiman waa in ummaddu rogmato,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Wuxuu si toos ah ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu si degdeg ah uga falceliyo xaaladda cakiran ee ka taagan Hiiraan iyo in uu qaato go’aan cadaaladeed oo la xiriira matalaadda dadka dagaalamaya iyo sida loogu daro shirarka masiiriga ah ee qaran. Wuxuu u soo jeediyey madaxweynaha inuu labada gobol simo oo uu magacaabo laba guddoomiye sida uu qabo Hoggaamiye Cali Jeyte.
“Madaxweyne, beel Hiiraan degan ayaa dagaalameysa, golaha amniga Soomaaliya qof beeshaas ka tirsan kuma jiro,” ayuu ku celceliyay Cali Jeyte.
Hadalka Cali Jeyte ayaa imanaya xilli dagaallo culus ay weli ka socdaan duleedka deegaanka Ceel-Hareeri iyo xadka labada gobollada gobol, halkaas oo ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay ku hareereeyeen xubno Alshabaab ah.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda gudaha Soomaaliya ayaa sheegaya in hadalka Cali Jeyte uu markhaati u yahay sida ay qabaan khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, kaasoo wiiqi kara isku dayga dowladda federaalka ee ah in ay dhisto wadatashi qaran oo mideysan.
HBN ONLINE TV