Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliyaoo ka hadlay dhismaha maamaulka cusub iyo wadadii loo soo maray

Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa khudbad dhinac badan ka jeediyey munaasabad lagu soo xirayey tababar ciidan cusub, taas oo uu si qoto dheer ugu dul istaagay xaaladihii adkaa ee uu maamulkiisu soo maray iyo marxaladda cusub ee dowlad-dhiska Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, kaasi oo xalay lagu si rasmi ah loo shaaciyey.

Cabdiqaadir ayaa carrabka ku adkeeyey in labadii sano ee uu maamulkiisu jiray ay ahayd waqti adag oo u baahnaa dulqaad, naf-hurnimo iyo halgan joogto ah. Wuxuu tilmaamay in dhismaha maamulka SSC-Khaatumo uu ka dhashay dadaal aan kala go’ lahayn oo ay hormuud u ahaayeen waxgaradka, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah.

Isagoo dardaaran adag u jeedinayey ciidamada cusub ee la tababaray ayuu hoggaamiyuhu ugu baaqay inay adkeeyaan amniga, gaar ahaan inta lagu guda jiro dhismaha maamulka cusub Wuxuuna yiri:”Inta dowlad-dhisku socdo iyo kadibba, waa inaad laban laabtaan awooddiina iyo feejignaantiina. Waxaan idinku kalsoonahay boqolkiiba boqol.”

Khudbadda Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si weyn loogu fasiray mid dhiirrigelinaysa midnimada, sugidda amniga, iyo kalsoonida shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed