Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran Cali Khamanii ayaa maanta sheegay in cadawga dalkiisa oo ay ka midka yihiin Mareykanka iyo Israa’iil ay la kulmi doonaan jawaab adag oo ku aadan ficillada ka dhanka ah Iiraan & Iska caabinta ay taageerto.
Khamanii waxa uu intaa ku daray in dalkiisu aanu ka laaban doonin ka hortagga cadawga, isla markaana aanu ka tanaasuli doonin jawaab ay ka bixiyaan weeraradii u dambeeyay ee lagu soo qaaday.
Hadalka hogaamiyaha Iran ayaa imaanaya todobaad kadib weerar ay Israa’iil la beegsatay goobo ciidan oo ku yaala dalka Iran.
Wax yar ka dib weeraradii Israa’iil, Khamanii wuxuu yiri “waa inaan la buunbuunin ama la dhayalsan”.
Afhayeenka ciidamada Illaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ee magacooda loos oo gaabiyo IRGC Sarreeye Guuto Cali Maxamed Naini ayaa sheegay in jawaabta Iran ay siineyso Israa’iil ay tahay mid lama huraan ah oo ay noqon doonto mid adag oo ah go’aan aysan malayn karin cadowga.
Naini waxa uu intaas ku daray in Israa’iil ay ogaato in inta weerar qaado ka dibna aysan la kulmin jawaab.
Saraakiisha siyaasadda iyo militariga Iran ayaa wacad ku maray inay ka aargudan doonaan weerarka Israel, kaas oo Talaabiib ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday nidaamyada difaaca hawada, goobaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Warbixinada reer galbeedka ayaa sheegay in Iran ay ka jawaabi doonto weerarka Israel, halka Washington ay sheegtay in ay ka taageeri doonto Israel si ay uga hortagto tallaabo kasta oo militari oo Tehraan ka timaada.
HBN Online TV

