Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo safar Dublamaasiyadeed ku tagay Jabuuti

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Hogaamiyaha maamulka ku meelgaarka ah ee SSC Khaatumo  ayaa safar shaqo oo muhiim ah ku gaaray dalka Jabuuti kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo booqashadan lagu sheegay ujeedadeedu in ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta gobolka iyo taageerada Dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu yiri “Muhiimadda socdaalka Hoggaamiyaha waa xoojinta walaaltinimada, nabadda, xasilloonida deegaanka iyo sidii loo taageeri lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya”.

Xubnaha ku wehliya safarka hugaamiyaha ayaa waxaa ka mid ah golihiisa Wasiirada, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Wasiirka Biyaha iyo Korontada, iyo la taliyayaal sare.

Joogitaankoodu waxa uu hoosta ka xarriiqayaa wada-hadallada la filayo in ay qabsoomaan ee u dhexeeya dhinacyada Khaatumo iyo Jabuuti, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dhinacyada kala duwan ee maamulka iyo xasilloonida gobolka.

Horey ayaa maamulka SSC Khaatumo ugu eedeeyey dawladda Jabuuti inay ku lug leedahay colaadda Laascaanood. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa si adag u beeniyay eedeymahaas, isaga oo sheegay inaysan Jabuuti qayb ka ahayn dagaalka.

Booqashadani waxay ka dhigan tahay isbedel ku iman kara xidhiidhka SSC Khaatumo iyo Jabuuti, taasoo fursad siinaysa in wax laga qabto cabashooyinkii hore iyo aasaaska iskaashiga mustaqbalka.

Wada-hadallada ka socda Jabuuti ayaa la filayaa in looga hadlo mowduucyo kala duwan, laga bilaabo amniga gobolka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Xoojinta xidhiidhka SSC Khaatumo iyo Jabuuti waxa ayn door muhiim ah ka ciyaari kartaa horumarinta nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Iyadoo hogaamiyaha SSC Khaatumo uu ku guda jiro wada hadaladan heerka sare ah, ujeedka balaadhan ayaa ah taageerada iyo dib u dhiska dawlada Soomaaliya.

Ergadaan dublamaasiyadeed ayaa ku soo beegmaysa xili Somaliland ay ku eedaysay Djibouti inay marti galisay jabhad ka soo horjeeda Somaliland balse Djibouti ayaa eedahaas ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

 

HBN ONLE TV

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed