Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo markii ugu horreysay la kulmay diblomaasiyiin caalami ah isla markaana kala hadlay arrimo la xariiira maamulkiisa

Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay kusimaha safiirka dalka Shiinaha,isla markaana ka wada hadlay arrimo kala duwan.

Hogaamiyaha maamulka SSC – Khaatumo, C/qaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo ay weheliyaan qaar ka mid ah golaha wasiirada ayaa kulan la qaatay ku simaha safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Chen Wendi iyo diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda. Waana kulankii ugu horreyay oo nuucaan ah oo uu Firdhiyo la yeesho diblomaasiyiin caalami ah.

Kulankan dhex maray hogaamiyaha maamulka SSC iyo safiirka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii dowladda Shiinaha ay si dhow uga wada shaqayn lahayd arrimaha, ugana qayb qaadan lahayd arrimaha horumarinta iyo gargaarka deegaanada maamulka SSC-Khaatumo. Sida lagu sheegay war-murtiyeed laga soo saaray kulanka.

Firdhiye waxa uu tilmaamay in Shiinuhu yahay dawladii ugu horaysay ee deeq gaarsiisay shacabka SSC-Khaatumo ka dib markii ay ka go’een Somaliland bilaawgii 2023, waxaanu u mahad naqay dawladda Shiinaha oo uu sheegay inay gacan weyn ka gaystaan

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu hogaamiyuhu la yeelan doono madaxda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka inta uu ku guda jiro safarkiisa shaqo  caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu maalmo ka hor soo gaaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed