Madaxa Golaha Military-ga ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Sabtidii xaqiijiyay in aanay hadda wax wadahadal ah la galayn Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee RSF, isaga oo intaas ku daray, “Waxaan la hadli karnaa oo kaliya Ciidamada Taageerada Degdegga ah haddii ay hubka dhigaan.”
Wuxuu xaqiijiyay in uu helay codsiyo iyo wacitaanno lagu doonayo in xabbad-joojin lagu saxiixo bisha Ramadaan”, balse wuxuu intaas ku daray: “Ma aqbalayno wax xabbad joojin ah ilaa iyo inta Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ay ka baxayaan dhammaan gobollada, isla markaana ay isugu imaanayaan xarumo cayiman.” Wuxuu hoosta ka xarriiqay in aysan wax guul ah u ogolaan doonin Ciidamada Gurmadka degdegga ah iyada oo loo marayo xabbad-joojin.
Burhaan wuxuu adkeeyay in dagaalku uu sii socon doono ilaa go’doominta El Fasher laga qaado. Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in ciidanka Sudan ay diyaariyeen qorshayaal u suurto galinaya in ay xukumaan guud ahaan dalka, isagoo xusay in “xalka keliya uu yahay guul.” Wuxuu kalsooni ku muujiyay in dagaalku uu ku dhammaan doono guul, isagoo intaas raaciyay in askarta dagaallamaysa ay metelayaan dhammaan shacabka Sudan.
Geesta kalena Burhaan waxa uu tilmaamay in Khartuum ay dhowaan dhisi doonto xukuumad farsamo-yaqaan ah, isla markaana ay socdaan wadatashiyo lagu dooranayo raysal wasaare rayid ah.
“Dowladda la dhisayo waxay naga caawin doontaa dhamaystirka howlaha milatari ee dhiman,” ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale xusay in talooyinka ay soo jeediyaan xoogagga siyaasadeed ay heli doonaan tixgelin iyo fursad lagu hirgeliyo.
Burhaan wuxuu caddeeyay in Xisbiga Shirweynaha Qaranka, oo uu hoggaamin jiray madaxweynihii hore Cumar al-Bashiir, uusan dib ugu soo laaban doonin talada dalka.
Wuxuu si toos ah ula hadlay mas’uuliyiinta xisbigaas, isaga oo yiri: “Haddii aad waddaniyiin tihiin, iska ilaaliya tartan siyaasadeed. Ma heli doontaan fursad aad dalka ku xukuntaan iyada oo dhiigga dadka Sudan lagu daadinayo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in
“Xisbiga Shirweynaha Qaranka iyo kuwa kale ee doonaya in ay iyaga xukumaan waa in ay mustaqbalka doorasho ka shaqeeyaan.”
HBN Online TV