Hirshabelle oo si adag uga jawaabtay eedaymo ka soo yeeray dawlada Federaalka

Maamulka Hirshabeelle ayaa si kulul uga falceliyey hadal kasoo yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), kaas oo lagu eedeeyay inay ka weecatay dariiqa doorashada qof iyo cod. Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo ah nasiib darro siyaasadeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan ayaa si cad uga jawaabay eedeymaha uga yimid Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad. Wuxuu sheegay in doorashada golaha deegaanka degmada Balcad ay ahayd mid sharciyad buuxda leh oo aan loogu talagalin qof gaar ah in lagu qanciyo.

“Waa haykal dowladnimo oo dadka reer Balcad wada matala,” ayuu yiri guddoomiye Mahad, isagoo ka hadlayay doorashada degmada Balcad ee maanta dhacday.

Guddoomiye Mahad wuxuu sidoo kale ku eedeeyey wasiir Balcad inuu horey uga codsaday maamulka Hirshabeelle sida uu hadalka u dhigay in guddoomiyaha degmada Balcad laga dhigo qof qaraabo la ah isaga, balse maamulka uu ka doorbiday in doorasho xor iyo xalaal ah lagu doorto guddoomiyaha degmada.

“Fahamka dowladnimada Soomaaliya ayay foolxumo ku tahay in qof noocaasi ah uu ka shaqeeya Wasaarada arimaha dibada oo ah foolaadka dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Mahad.

Dhanka kale, wuxuu meesha ka saaray in Hirshabeelle ay diidan tahay doorashada qof iyo cod. Wuxuu sheegay in maamulka uu si buuxda uga go’an yahay hirgelinta nidaamka doorasho ee dalka, ayna qorsheynayaan in todobaadka soo socda la daahfuro diiwaangelinta codbixiyeyaasha, hase yeeshee dib u dhac kooban uu ku yimid sababo la xiriira howlaha farsamo.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo uu soo bandhigay Gudoomiye kuxigeenka oo la xiriira eedeymaha Wasiir Cali Balcad ee ah in soo bandhigista Gudoomiyaha Degmada Balcad.

Waxaa muuqata in khilaafka u dhexeeya masuuliyiintan kooban ee Dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle uu cirka isku shareeray, iyadoo dhinacyadu ay si dadban isugu eedeynayaan fara-gelin siyaasadeed iyo ka leexasho heshiisyadii hore ee doorashooyinka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed