Hirshabeelle oo sheegtay inay dib u bilaabi doonto dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Golaha wasiiradda Hirshabeelle oo maanta shir isugu yimid magaalada Jowhar ayaa lagaga hadlay dib u bilaabida dagaalladii ka socday gobolada Hiiraan iyo Shabeelle dhexe, waxaana qodobada ka soo baxay lagu ayiday in la qaado guluf culus.

Shirka golaha oo guddoomiyey madaxweyne Cali Xuseen Guudlaawe ayaa marka hore waxaa warbixin looga dhageysay wasaaradda amniga Hirshabeelle, iyadoo soo bandhigtay in dadaal xooggan ay ku wadaan Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka xoreynta goobaha ay heystaan kooxda Alshabaab.

Sidoo kale, waxyaabaha kale ee shirka maanta looga hadlay waxaa ka mid ahaa saameynta roobabka ka curtay deegaannada Hirshabeelle iyo qaabka loola falgali lahaa.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaaya kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan. Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa deegaannadaas, taasi oo suurto gelisay in la qaado howlgal guuleystay oo lagu qabsaday deegaannadii ay ku sugnaayeen.

Deegaannada Yasooman iyo Aboorey oo gobolka Hiiraan ka tirsan ayaa maalmihii dambe ay joogeen dagaalyahanno Alshabaab ah, halkaas oo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wadeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed