Hirshabeelle oo sheegtay Ciidamada dowladda ay kaabiga ku hayaan Aaden Yabaal

Maamulka Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaallo culus oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada deegaanka oo garab ka helaya Dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen kooxda Alshabaab, kaasi oo la sheegay in kooxda looga saaray deegaanno badan.

Wasiirka arimaah gudaha Hirshabeellle Cabdi Daahir Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxda khasaare kala duwan loogu geystay dagaalkii saaka, lagana saaray goobihii ay kaga sugnaayeen deegaanka Ceel-hareeri oo dhaca xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiir Cabdi in kooxda laga qabtay Maxaaabiis badan, hadane goobihii ay kaga sugnaayeen deegaanka ay hayaan Ciidamada qaranka.

Wuxuu carrabaabay in hadda ay ciidamadu ay kaabiga ku haayaan degmada Aaden Yabaal, isagoo tilmaamay inay u jiraan 7-km. Wuxuu ku dooday in yooolkoodu yahay inay qabtaan degmada si kooxda looga guuleysto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed