Hirshabeelle & AUSSOM oo ka shiray amniga & dagaalka Al-Shabaab

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta shir guddoomiyay kulan lagu falanqeynayay xaaladda amni ee deegaannada Hirshabeelle, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha AUSSOM, kuwaas oo warbixin faahfaahsan siiyay Madaxweyne Guudlaawe oo ku saabsan xaaladda amniga ee gobolka.

Taliyaha qeybta 5-aad ee ciidamada AUSSOM ee Burundi, Col. Oscar Hatungiman ayaa sheegay inay sii xoojinayaan dadaallada ay ku taageerayaan nabad-galyada, iyagoo dhowr goobood oo muhiim ah ka joogaan Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu baaqay saraakiisha in la adkeeyo amniga loona diyaargaroobo sidii looga hortagi lahaa weerarrada rogaal-celiska ah ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaadayaan deegaannada gobolka.

Ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa Burundi, ayaa horay loogu eedeeyay gaabis ku saabsan la dagaallanka Al-Shabaab, hase yeeshee toddobaadyadii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo milatari oo xooggan ayay ka wadeen gobolka Shabeellaha Dhexe.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed