Hiiraan: Dagaal culus oo ku dhexmaraya Ciidamada dowladda iyo Alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu saaka ka qarxay dhulka howdka ah ee u dhexeeya deegaanada Mabaax iyo Ceelhareeri, halkaas oo ay ku dagaallameen ciidamada xoogga dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka iyo dagaalamayaal kooxda Alshabaab ah.

Saraakiisha hoggaaminaya howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in ciidamadu sida hadalka loo dhigay ay si geesinimo leh u wajeheen Alshabaab, isla markaana ay toogteen xubno badan oo kooxda ah oo doonayay sida hadalka loo dhigay in qaraxyo ay la beegsadaan ciidamada.

Howlgalkan ayaa weli socda, waxaana saraakiishu sheegeen in si buuxda loogu jebiyey sida hadalka loo dhigay kooxda, iyadoo lagu burburiyey xarumo iyo miinooyin ay si qarsoodi ah u aasayeen cadowgu.

Ciidamada Qaranka ayaa ballan qaaday in dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta laga sii wadi doono gobolka Hiiraan illaa laga cirib tiro.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed