Si loo xoojiyo awoodda maaraynta musiibooyinka Soomaaliya, loona xoojiyo ka hortagga masiibooyinka dabiiciga ah, kooxda Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee FAO ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wakiilka dalka Ettiene Petermischitt, ayaa wada-hadallo miro dhal ah la yeeshay Maxamuud Macallin oo ah Agaasimaha SODMA
Kulanka oo ka dhacay xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee magaalada Muqdisho, “wuxuu ahaa madal lagu xaqiijinayo sida ay uga go’an tahay labada dhinac inay iska kaashadaan hindisayaasha wadajirka ah ee lagu xoojinayo u diyaar-garowga musiibooyinka, wax ka qabashada, iyo tallaabooyinka dhisidda adkeysiga Soomaaliya oo dhan Sidaa waxaa sheegtay Warbaahinta Dowladda.
Dooduhu waxay ku saabsanaayeen mowduucyo kala duwan, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray kor u qaadista isku-xirka iyo iskaashiga ka dhexeeya FAO iyo SODMA.
Xudunta dooddu waxay ahayd sahaminta xeeladaha lagu kobcinayo awoodda Soomaaliya si loo yareeyo saameynta musiibooyinka, oo ay ku jiraan dhismaha biyo-xireenno si wax-ku-ool ah loogu maareeyo kheyraadka biyaha si loogu diyaargaroobo roobka la filayo. Labada dhinacba waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay tillaabooyin firfircoon oo lagu ilaalinayo hab-nololeedyada iyo kor u qaadida horumar waara marka loo eego khataraha cimilada ee soo noqnoqda.
HBN NEWS DESK