Hay’addaha Difaaca Soomaaliya iyo Turkiga oo kawada hadlay la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta tababarada Ciidamada Qaranka

Kulanka ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda Difaaca ee Turkiga Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa dalka Ankara Yaşar Güler ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo horumarinta tababarada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiiradda Difaaca ee labada dalka ayaa kulankooda diiradda lagu saaray wada shaqeyn qoto dheer iyo iskaashi adag oo gacan ka geysta nabadda iyo xasilloonida mustaqbalka fog.

Cabdulqaadir Mamaxed Nuur wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku sugan Turkiga ayaa kaga mahadceliyay Turkiga taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan sida uu hadalka u dhigay dowladdu kula jirto kooxaha loogu yeero argagixisada oo muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga oo Soomaaliya ka taageerta dhismaha ciidamada ayaa soo saarta sanad walba Ciidamo badan oo ka mid noqda kuwa xoogga dalka ee dagaalka adag kula jira kooxda Alshabaab, iyada oo ay u sii dheer tahay taageeradeeda Bini’aadantanimo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed