Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaan Macalin Mahdi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo sheegay in aan la aqbali doonin wax carqalad ah oo khatar gelin kara amniga caasimadda.
Macalin Mahdi ayaa sheegay in qof kasta oo xil hore u soo qabtay ama xildhibaan ah oo ku lug yeesha rabshado ama dhiig-daadin si uu saameyn siyaasadeed u yeesho ay tahay arrin liidata oo ka tarjumeysa sida uu hadalka u dhigay masuuliyad-darro.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa si adag u sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay carqalad ku tahay amniga iyo xasilloonida caasimadda Muqdisho, isagoo ku adkeystay in hay’adaha amniga ay gacanta ku dhigi doonaan dadkaasi
“Qof Xildhibaan ah ama Mas’uul hore xil u soo qabtay oo rabsho iyo dhiig-daadin doonaya inuu saamayn siyaasadeed ku raadiyo waa arrin liidata, kana tarjumeysa masuuliyad-darro iyo xilkasnimo la’aan, Gacanta ayaa laga qabanayaa isaga iyo cid kasta oo carqalad ku ah amniga iyo xasilloonida Caasimadda,” ayuu yiri Macalin Mahdi.
Si kastaba, hay’adda ammaanka DFS ayaa shalay si shalay si adag ula tacaalay banaanbaxyo ay mucaaradku doonayeen in lagu qabto 22 goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib markiii ay tallaabooyinkaas lagu sheegay kuwa looga gol lahaa ilaalinta badqabka shacabka iyo ka hortagga qalalaase la xiriira bannaanbaxyo ay qorsheynayaan mucaaradka.
HBN ONLINE TV

