Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeeysay in ay dileen dad rayid ah

Amnesty International ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku eedaysay milateriga Soomaaliya inay dileen 23 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 carruur ah iyo shan dumar ah, intii lagu jiray duqaymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga kuwaas oo taageerayay ciidamada Soomaaliya, kaasoo dhacay Maarso 18, 2024.

Weerarkan oo sida dawladu sheegtay lala beegsaday xoogaga Al shabaab ee ku sugan gobolka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 17 kale oo rayid ah oo ay ku jiraan 11 caruur ah iyo labo haween ah.

Hay’adda xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqday labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga inay baaritaan ku sameeyaan dhacdooyinkan loo diiwaan galin karo dembiyo dagaal ee suurtagalka ah. Agaasimaha gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Tigere Chagutah, ayaa yiri, “Dadka badbaaday iyo qoysaskooda waxay mudan yihiin run, caddaalad, iyo magdhow.”

Warbixintu waxa ay faah faahin ka bixisay khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay tuulada Jambaluul iyo agagaarka tuulada Baqdaad.Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in bambaanooyinka laga soo tuuray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay dhibaato xooggan geysteen.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo ka jawaabeysa warbixintaasi ayaa warqado u kala dirtay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, taasi oo ay kaga codsaneyso in faah faahin laga bixiyo howlgalkaasi . Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) kama aysan jawaabin su’aalaha Amnesty ee ku saabsan in ciidamada Mareykanka ay ku lug lahaayeen duqeymaha, sida lagu sheegay warbixinta.

Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa si dhow isha ugu haya xaaladda, iyagoo ku booriyay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga inay tallaabo degdeg ah qaadaan oo ay baaritaan ku sameeyaan duqeymaha ay geystaan ​​diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah oo ay ku tilmaameen dembiyo dagaal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed