Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan xasaasi ah la yeelatay mas’suuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay kana hadlay arrimo muhiim ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee (SODMA) ayaa kulan xasaasi ah la yeelatay George Conway ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo istaraatiijiyadaha wax ka qabashada bini’aadantinimo ee qaranka.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa looga hadlay arrimaha istaraatiijiyadeed ee dowladda Soomaaliya, sida ka hortagga leexinta deeqaha, sameynta habab adag oo isla xisaabtan ah, iyo xoojinta doorka dowladda ee hirgelinta iyo la socodka qorshaha jawaab celinta.

Mawduuca ugu weyn ee laga hadlay ayaa ahaa muhiimadda canshuur dhaafka ay u leedahay deeqaha bini’aadantinimada iyo xaddidida mas’uuliyadda ka saaran adeeg bixiyayaasha dalka.

Maxamuud Maallin oo ah Guddoomiyaha SoDMA ayaa u mahadceliyey Mr. Conway iyo hoggaanka sare ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Wuxuu qiray sida ay uga go’an tahay inay taageeraan howlaha bani’aadanimo ee muhiimka u ah daryeelka qaranka.

Madashu waxay calaamad u tahay dadaal iskaashi oo wax looga qabanayo caqabadaha maaraynta musiibooyinka waxayna hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya si ay u abuuraan nidaam bini’aadantinimo oo daah furan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed