Dowladda Soomaaliya ayaa warqad qoraal ah oo ka sooo baxay waxaa ay Diyaaradda Kenya Airways ugu qabatay in 48 saac ay sharaxaad kaga bixiyaan xannibaad lagu sameeyay rakaab Soomaali ah, oo shaqaale dowladeed ku jiraan magaalada Nairobi.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay, dhacdadii dhawaan ku dhacday rakaab Soomaali ah oo ku socdaalayey garoonka Jomo Kenyatta.
Hay’adda ayaa sheegtay in ay ka war heleen in dad Soomaali ah oo rakaab ah ay la kulmeen dib u dhac weyn, iyada oo ku xayirmay garoonka muddo saddex maalmood ah. Muddadaasina, aysan helin rakaabkani gargaar iyo hoy la mid ah kuwa socdaalka caalamiga ah, oo ay ku jiraan dad da’ ah iyo carruur, kuwaas oo ay la kulmeen dhibaato baaxad leh.
Bayaanka Hay’adda ayaa tiri “Waxaan ku sugeynaa jawaab rasmi ah 48 saacadood gudahood, iyadoo faahfaahsan tillaabooyinka la qaadi doono si wax looga qabto cabashada rakaabka iyo ka hortagga dhacdooyinka mustaqbalka”.
HBN ONLINE TV

