Hay’adda ammaanka Soomaaliya oo ku guulleysatay in dib Baydhabo loogu soo celiyo Ciidamada Koonfur galbeed ee isaga baxay

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Degmada Baydhabo ayaa ku guuleystay in dib magaalada loogu soo celiyo cutubyo ka tirsan ciidanka Koonfur Galbeed iyo saraakiishooda, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Ciidankan iyo gaadiidka dagaalka ee ay wateen ayaa markii hore ka baxay magaalada Baydhabo, xilli ay jireen isbeddelo siyaasadeed iyo khilaaf ka dhashay iscasilaaddii Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed iyo la-wareegiddii maamulka ee Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin, oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay iyo saraakiil kale, ayaa maanta bannaanka magaalada kaga hortagay ciidankan, iyagoo soo ku soo dhaweeyay caasimadda kumeel-gaarka ah.

Waxaa kale oo ka qeyb qaatay arintan, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo madaxda maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo dowladdu ay sheegtay in lagu guuleystay dadaallo ay maalmahan wadeen oo la xiriiray dib u soo celinta ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Awdiinle.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidanka iyo saraakiishooda geeyey xarumo gaar ah oo loogu talagalay, waxaana la filayaa in lagu sameeyo dib u habeyn ayna ka mid noqdaan nidaamka dowliga ah.

Tillaabadaan ayaa ku soo aadaysa xilli Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed ay ballanqaadeen in aanu jiri doonin aargoosi iyo in cid gaar ah la beegsado, isla markaasna loo baahan yahay dib u heshiisiin iyo maamul lagu wada qanacsan yahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed