Waxaa Maalintii labaad Ciidanka xoogga Soomaaliya ay howlgallo xoogan ka wadaan degaano hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay dadka ku ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo ay u taalay bar kontorool oo ay lacagaha shacabka uga qaadi jireen.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka 260-aad Guutada 9-aad qaybta 60-aad fadhigiisa yahay degmada waajid ee Gobolka Bakool, waxaana Ciidamada ay la wareegeen deegaannada kala ah, garas-Shimbirow, walag, garas-maamow oo dhanka Koonfur beri kaga beegan Degmada Waajid.
Saraakiisha hugaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay ku burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab deegaanadaas sida hadlaka u dhigeen ay ku dhibaateyn jirtay shacabka Xoolo dhaqatada ah.
Sidoo kale waxaa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaannada hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab waxaa ay Go’doomiyeen degmooyin badan oo katirsan Gobolka Bakool, halkaas oo dadka ku nool ay dareemayaan culeys ka dhashay Go’doominta, kaas oo uu ugu weyn tahay sicir bararka.
HBN ONLINE TV

