Axmed Ciise Guutaale Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya oo ku eedeeyey Madaxda Maxkamadaha Gobolka Banaadir, Racfaanka iyo Maxkamadda Sare ee dalka inay is hor is hor istaag ku sameyeen Baarista u hoggaansanaanta Sharciga ee xafiiska hanti-dhowrka guud ayaa Madaxda sare ee dalka ka dalbaday in ay dib u eegis ku sameeyaan xilalkooda.
Waxyaabaha uu ku eedeeyey waxaa ka mid aha ku tagrifal maaliyeed mudadii u dhexeysay Janaayo 2016 ilaa 21 Octobar 2017, iyadoo uu ku daray inay la socotay sida uu warka u dhigay maamul xumo iyo u huggaansanaan la’aanta sharci.
Waxaa uu ku dooday Guutaale in warqadahaan loo diray Xafiisyada Maxkamadda ay la mid aheyd mid sidaan oo kale loogu diray Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Hadalkiisa ayaa ku soo aadaya, xili Maxkamadda Gobolka Banaadir ay fartay inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta berri oo Axadda ah 16/02/2025, saacadduna taay 10:00 subaxnimo, si uu uga jawaabo eedo kaga yimid sida warka loo dhigay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
HBN ONLINE TV