Hanti dhowrka guud ee Puntland ayaa soo saaray amar uu ku dalbanayo in shaqsiyaadka wata gaadiidka dowlad goboleedka Puntland in ay si deg deg ah ugu soo celiyaan, kadib markii baaritaan lagu sameeyay gaadiidka uu maamulkaasi leeyahay oo si weyn loo waayay oo qaarkood la sheegay in lagu takri falay.
Cismaan Maxamed Cali Gaas, Hanti dhowrka guud ee Puntland ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in loo hogaansamo shuruucda maamulka ee ku aadan isticmaalka gaadiidka ay dowladda leedahay. Amarka ayaa dhigaya in dhammaan shaqsiyaadka aan hadda haynin xilalka maamulka balse haysta gaadiidka in ay ku soo wareejiyaan hanti dhowrka ugu dambeyn 16-ka Luulyo, 2024-ka.
Baaritaanka ayaa soo bandhigay dhacdooyin argagax leh oo gawaari ay leeyihiin maamulka Puntland lagu arkay suuqyo iyada oo laga soo iibiyay ee meelo ka baxsan gobolka.
Dhacdooyin badan ayaa dhacay doorashadii dhawaan ka dhacday Puntland sida uu sheegayo hanti dhowrka, taasi oo muujineysa in si xun loo isticmaalay gaadiidka Puntland.
“Waxaa loo baahan yahay in loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee ku aaddan soo celinta gaadiidkan,” ayuu yiri Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Cismaan Maxamed Cali Gaas. Waxa uu ka digay in u hogaansami la’aanta ay keeni doonto in magacyada dambiilayaasha loo gudbiyo hay’adaha sharciga si tallaabo dheeraad ah looga qaado.
Awaamiirtan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in siyaasiyiin hore iyo saraakiil ciidan ay wali gacanta ku hayaan gaadiidka dowlad goboleedka Puntland, inkastoo aysan hadda xilal rasmi ah hayn.
Halkaan ka akhri nuxurka warqada Hanti dhowrka
HBN ONLINE TV