Hagreysa oo maanta ay ka degtay diyaarad siday agabka Doorashada Somaliland

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka degtay diyaar siday agabka doorashooyinka Somaliland lagu qaba doono, kaasi oo laga keenay boqortooyada Ingiriiska.

Waxyaabaha ay siday waxaa ka mid ahaa Waraaqaha Codbixinta Doorashooyinka Somaliland oo maanta soo gaaray Hargeysa, iyada oo lagu sheegay in lagu soo daabacay ingiriirska.

Codbixinta waxaa la filayaa in kumanaan fursad u helaan codkooda si ay kaga dhiibtaan doorashada Somaliland oo wakhtigeedii aad uga daba martay sida ay qabaan dadka siyaasadda gobolka Falanqeeya, kuwaa oo dhaliil u jeedinaya xukuumadda iyo xubnaha mucaaradka ah.

Dhinac kalana maanta Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey in uu bilowday ololaha doorashada ee xisbiyada iyo ururada, waxaana ay ku egtahay sida uu muujinayo jadwalka 10 Nofember oo ah ka hor 3 maalin wakhtiga qabsoomidda doorashada.

Guddiga ayaa faray shacabka aya in si nabad ay u ololeeyaan, iyaga oo ku adkeeyey in si dhow ay ula shaqeeyaa Ciidamada Booliska oo sugaya amniga goobaha ololaha ee xisbiyadu isu imaandoonaan.

Xisbiyada iyo ururada Somaliland ayaa xaq u helaya laba maalin oo kaliya in ay ololahooda ku soo bandhigaan, iyada oo wixii intaa ka dambeeyana doorashada la gali doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed