Hagardaamada iyo Cawaaqib Xumada ku duugan Bayaanka Shirkii fool ka foolka ahaa ee Dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya ku dhexmaray Ankara Turkiya, 11dii Disember 2024
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo lagu tilmaamo hogaamiye midabo iyo indhasarcaad badan, ficilkiisa ka soo horjeedo maangalka caadiga ah, naxariis daran, isu haysta in ilaahey u doortay inuu dadka iyo dalka Ethiopia u horseedo barwaaqo, isku haysta boqorkii 7 oo aaminsan siyaasaddi Boqor Xayle Salaase oo aheyd inuu cid kasta saaxiib la yahay hase yeeshe cidna daacad u aheyn ama ku tiirsaneyn, saameyn weyn ku leh siyaasadda Geeska Afrika ayaa Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Recep Tayyib Erdogan ka codsaday inuu la kulankiisu fool ka fool Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamud oo muddo sannad ah diidanaa la kulankiisa ilaa uu ka noqdo (burriyo) Is-Afgaradka Sharcidarrada ah ee uu la galay 1dii Jennaayo 2024 Madaxweynihii hore ee Maamulka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) Mudane Muse Biixi, is afgaradkaaso Ethiopia ku boobeyso dhul iyo bad Soomaaliyeed.
Soomaaliya waxay adduunka u sheegtay in Ethiopia weerar qaawan iyo dhul boob (invasion and Annexation) ku soo qaaday Soomaaliya kaddib markii ay is afgarad sharcidarro ah la gashay Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Adduunka waa isku raacay in Ethiopia gardaran tahay. Haseyeeshe, RW Abiy dhegaha ayaa ka fureystay baaqyadii adduunka, wuxuuna diiday inuu xiro xafiisyada diblomasi ee ugu furan Hargeisa iyo Garowe, wuxuuna ku adkeystay in Ethiopia xaq u leedahay inay hesho Bad, taaso loo dheg taagay. Lama ifin sababta Ethiopia ugu dheggan tahay helitaanka badda iyo dhulka Soomaaliya oo aysan u dooneyn ka faa’ideysiga dekedaha Jabuuti, Eritrea, Sudan, Kenya iyo Dekedda Berbera (Somaliland) oo ay isticmaasho.
Madaxweyne Xassan Sheikh wuxuu Madax badan ka diiday kulan fool ka fool ah ee dhexmara asaga iyo RW Abiy, taaso Shacabka Soomaaliyeed ku taageray. Hase yeeshe, RW Ethiopia wuxuu Madaxda adduunka ka dhaadhiciyay inuu si aad ah u doonayo inuu la kulmo Maddaxweyne Xassan Sheikh si ay uga wada hadlaan, una xalliyaan, khilaafka la sheegayo.
Dowladda Soomaaliya ma sameyn dhaqdhaqaaq diblomaasi ee ku khasbaya Ethiopia inay marka hore ka noqoto xadgudubka ay ku kacday, isla markaana kama gaashaaman cadaadiska uga imaanaya Madaxda Adduunka ay danaha badan uga xiran yihiin, taaso ugu dambeyn dhalisay in dowladda Soomaaliya la hor fariisiyo RW Abiy shuruud la’aan.
Waxyaabaha ku qanciyay RW Ethiopia Abiy inuu shir iyo madax kasta ka codsado la kulanta tooska ah ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid ah:
1. Inuu aaminsan yahay in Soomaaliya tahay Yaraanka Ethiopia oo haddii ay wada hadlaan heshiinayaan. Wuxuu Shirkii Ankara ka sheegay in Soomaaliya iyo Ethiopia yihiin dad walaalo ah, isu af ah, diin ah, iyo isku dhiig ah, loona baahneyn dhexdhexaadin shisheeye. Madaxweyne Xassan waa ku taageray fikirkaas qaldan oo aadka uga fog dareenka Shacabka Soomaaliyeed. Danaha, Horumarka, iyo Ammaanka Soomaaliya kuma xirna Ethiopia.
2. In Soomaaliya ka jirin dowlad qaran oo si buuxda uga talisa, leh dhaqan dowladeed u hoggansan aragti qarameed cuskan tiirar adag sida midnimo dowladeed, lafagur siyasadeed, diblomasiyad firfircon, iyo sirdoon gudaha iyo dibedda ah, leh siyaasadda gudaha iyo dibedda iyo maamul dowli ah (Institutions) oo si dhab ah uga tarjumaya danaha, taariikhda, iyo aayaha dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
3. In Dowladda Soomaaliya oo ah dowlad faashil ah (failed State) aysan laheyn rabitaan siyasadeed iyo karti ay kula gasho heshiis dowlado kale, kaddibna fuliso si loo xaqiijiyo hadafka lagula heshiiyay. Fikirkaan asaaska u ah siyaasadda Ethiopia ka qabto Soomaaliya waxay ku faahfaahsan yahay maqaalka taarikhiga ah ee ay wada qoreen Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin iyo Agaasimihii hore ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Abdeta Dribssa Beyene. Cinwaanka Maqaalka waa “The Practicalities of Living with Failed States (2018).”
4. In la cabburiyo hadal haynta Qoraalka Is afgaradka (Memorandum of Understanding MoU) Ethiopia Somaliland ee sharcidarrada ah oo caalamka ka falceliyay, lana abuuro sheego ku kooban in Ethiopia la siiyo badda ay rabto.
5. In la damiyo muranka ka taagan ka qayb galka Ciidammada Ethiopia cutubyada Ciidammada Nabad Ilaalinta Soomaaliya ee Afrika oo howl galkooda bilaaban doono bilowga 2025;
6. In qiblada siyasadda Soomaaliya lagu celiyo Addis Ababa.
7. In Ethiopia u diyaar garowdo dufaanta ka dhalan karta siyaasadda Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ka qabo Qaaradda Afrika, gaar geeska Afrika.
Ethiopia waxay leedahay qab boqortooyo. Inkastoo colaado iyo dhibaatoyin dhaqaale ka taagan yihiin gudaheeda, haddana dowladda Ethiopia waxay qaddarin iyo taagero aad u ballaaran ka haysata dhammaan reer galbeedka, Carabta, Turkiga, iyo Afrika, waayo waxaa loo arka dowlad weyn, Afrika matasha, leh siyaasad, sumcad, iyo karaamo qarameed oo aad loo tixgeliyo.
Cawaaqib Xumada Baaqa Ankara waxaa ka mid ah:
1. In Soomaaliya aysan aheyn dhibbane lagu soo xadgudbay dhulkeeda, midnimadeeda, iyo Madaxbannineeda. Ethiopia ayadoo ogsoon jiritaanka dastuurka JFS iyo dhammaan shuruucda caalamiga ah ayey go’aansaday, welina ku doodeysa inay xaq u leedahay inay hesho dhul badeed Soomaaliya leedahay, taaso Bayaanka Ankara ka garaabay. Lama xusin dulucda khilaafka oo ahaa MoU iyo dambiilaha fidnada abuuray oo ah Ethiopia.
2. In Ethiopia iyo Soomaaliya iska iloobaan wax kasta oo khilaaf iyo is-haysi ahaa, horeyna loo socdo si wadajir ah si loo higsado barwaaqo wadaag, sidii in Soomaaliya iyo Ethiopia isku yihiin hal dal oo isku qorshe ah, taaso khilaafsan dareenka iyo danaha Shacabka Soomaaliyeed;
3. In dowladda Federaalka ku ceebowdo dalalkii u soo hiiliyay sida Eritrea iyo Masar oo heshiiska saddex geesoodka ku dhexmaray Asmara.
4. In dowladda Turkiga ka baxdo, ka xorowdo ballanqaadyadii heshiiskii difaaca Soomaaliya oo Barlmaaanka federaalka gacan taagga ku ansixiyay ayadoo aan la arag;
5. In Dowladda Federaalka weji gabax kala kulanto dalalka Kenya iyo Uganda oo ka mid ah Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay ka diiday la kulanka Ra’isul Wasaaraha Ethiopia maalmo ka hor;
6. In Dowladda Federaalka ku ceebowdo Dowladda Jabuuti oo Adduunka u sheegtay inay diyaar u tahay in Ethiopia siiso deked ay toos u maamulato, Soomaaliyana laga daayo faragelinta iyo qalqalka lagu hayo;
7. In Dowladaha Eritrea, Jabuti, Kenya, iyo Sudan ka caroodaan jaahwareerka siyaasadda Dowladda Federaalka ku aqbashay siyaasadda qaska ah ee dowladda Ethiopia ka dhex wado dowladaha Geeska Afrika.
8. In hadal-haynta Is afgaradka Ethiopia Somaliland (MoU) la iska iloobo, haseyeeshe u noolaan doono ilaa Ethiopia ka heleyso dekedo iyo dhul Soomaaliyeed ay toos u leedahay;
9. In xiriirka nabadgelyso, diblomasi iyo ganacsi ee Ethiopia iyo Somaliland iyo Puntland uusan waxba iska beddelin, isla markaana Ethiopia xoojin doonto saameynta ay ku leedahay Koofur Galbed iyo Jubbaland ilaa inta Ethiopia ku guuleysaneyso isku darka Soomaaliya iyo Ethiopia ama helitaanka dhul iyo bad Soomaaliya leedahay ee sugan, ay ku tashan karto, si nabad ahna u maamulan karto;
10. Mar haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya aqoonsatay naftihuridnimada Ciidammada Ethiopia uga qayb galeen Gurmada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaan shaki ku jirin in Beesha Caalamka taagereyso in ciidammada Ethiopia ka sii mid ahaadan ciidammada cusub ee howl galkooda bilaaban doono 2025, taaso xoojin doonta saameynta iyo faragelinta Ethiopia ku leedahay siyaasadda iyo amniga Soomaaliya;
11. In Shacabka Soomaaliyeed ku kala qaybsamo Bayaanka Ankara, kana dhalato baaba’a jiritaanka dal iyo dowlad Soomaaliya la yiraahdo. Gaar ahaan reer Soomaliland waxay dowladda federaalka ku dacaayadeen doonan munaafaqnimo.
Waxaa aad loo saluugay muqaallada Shirka oo Madaxweyne Xassan Shiekh muujin carada, ciilqabka, iyo xadgudubka aan marna laga garaabin ee dowladda Ethiopia kula kacday Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee xaaladda adag ku jira. Khudbada Ra’iisul Wasare Abiy waxay tilmaameysay sheegashada dad iyo dhul ka maqan iyo inuusan qabin in Soomaaliya iyo Ethiopia u baahan yihiin dhexdhexadin shisheeye madaama ay yihiin dad is leh. Soomaaliya ma sixin brobagandadaas.
Soomaaliya waa dal kala qaybsan, aad u itaal daran, u nugul faragelin shisheeye ee u baahan dowlad karti iyo karaamo leh oo difaacda danta iyo karaamada iyo taarikhda Soomaaliya. Dr. Cabdiraxman Abdullahi (Baadiyow) wuxuu Oktoober 2024 soo saaray Buug cinwaankiisu yahay in Soomaaliya raadineyso Hogaamiye haldoor ah (Somalia: A State In Search of Exceptional Leadership), taaso macnaheedu yahay in Soomaaliya raadineyso hogaamiyayal ka shidaal qaadata hogaamintii wadaninimo, hufnaan, iyo dhaqan dowladnimo ee AUWN Cabdullahi Ciise Maxamud, Adan Abdulle Cosman, iyo Cabdirizaq Xaaji Xussein.
W/Q : Dr. Maxamuud Maxamed Culusow
AFEEF: Aragtida & macluumaadka qoraalku xambaarsan yahay waxay u gaartay qoraha, kama turjumayso aragtida Horn Broadcasting Network (HBN)