Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo dhaliilay qaabkii dhawaan maxaabiista la isku waydaarsaday

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa si kulul uga soo horjeestay magacaabistii “Guddida Qaran ee Nabadda Somaliland” ee dhawaan ay sameysay Madaxtooyada.

Saleeban ayaa sheegay in guddidan aysan ahayn guddi qaran, balse ay yihiin sida uu hadalka u dhigay “guddi madaxweyne Cirro u shaqeeya,” isla markaana aanay helin ansixin ka timaadda hay’adaha sharci-dejinta.

“Laba dowladood oo siman ayaa laynoo arkay [Somaliland iyo SSC-Khaatuumo], waana ceeb. arrintu maaha maxaabiis isdhaafsi. Dowladdii Soomaaliya laga maarmi maayo oo khaatumaa dabada la gashay iyo cid walba” ayuu yiri Guddoomiye Saleebaan.

Madaxtooyada Somaliland ayaa guddidan u bixisay “Guddida Qaran ee Nabadda” waxaana guddoomiye ka ah Cabdiqaadir Jirde. Guddidu waxay dhawaan safarro shaqo ugu baxeen magaalooyinka Jigjiga iyo Boorama iyaga oo la kulmay madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana hor kacaya Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi.

Xafiiska Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa horey u sheegay in guddidan laga soo xulay xubno matalaya beelaha iyo deegaanada Somaliland, laguna magacaabay sidii loo xoojin lahaa dadaallada nabadeed.

Waxyaabaha ay ilaa hadda qabteen waxaa ka mid hub ka dhigista iyo qarameynta ciidamo beeleedyo iyo wadahadalo lala furay beelaha gobolka Sanaag, si xal loogu helo colaad ba’an oo ku soo laablaabatay magaalada Ceerigaabo iyo deegaanno hoostaga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed