Gudigga anshaxa ee Golaha shacabka oo Ganaax adag dul dhigay xildhibaano fowdo sameeyey iyo in aanay Fadhiyada ka qeyb galin

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa soo saaray Go’aamo adag oo ku aadan gacan qaad iyo fowdo ay ka sameeyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, intii uu socday kulan wada jir ah oo ay yelanayeen labada Gole ee Baarlamaanka Soomaliya 27-kii bishii hore Novembar.

Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii hore ee November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

Gudoonka Golaha Shacabka ayaa sida oo kale ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Kulankaasi inta uu socda ayaa la arkayey xildhibaano fowdo iyo arbushaad ka sameeyanayey masraxa laga qudbeeyo ee xarunta shirarka golaha shacabka ee Villa Hargeysa, iyada oo goor dambane isu badashay gacan qaad sababay dhaawac soo gaaray Askari ka mid ahaa ciidamada ilaalada ee xarunta.

Baraha bulshada waxaa qabsaday Muuqaalka xildhibaan Xasan oo u gacan qaadaya Askari Boolis ah oo ka mid ah ciidamada ilaaliya Xarunta Golaha, oo dhaawac soo gaaray la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Xildhibaan Xasan oo shalay la kulmay Askari oo dhaawaciisa sanka noqday ayaa sheegay in uu cafis ka dalbaday, lagana heshiiyey wixii dhibkii dhacay 27-kii bishii hore ee November oo uu tilmaamay in markii uu arintaasi ka dhacay sida uu hadalka u dhiagay uusan ku tala gal ka wadin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed