Guddoonka Soomaaliya oo war kasoo saaray kulankii arbushaada badnaa ee xildhibaanada dalku yeesheen xarunta Villa Hargeysa

War ka soo baxay golaha shacabka ayaa lagu sheegay in Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta yeesheen kulan wadajir ah oo ay kaga ka doodeen cutubka 4-aad ee wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah. Kulankan oo ahaa kal-fadhiga 7-aad, kulankiisa 11-aad ee wadajirka ah, ayaa waxaa shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim; guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka ayaa la tilmaamay in diiradda lagu saaray dib u eegista dastuurka, gaar ahaan marxaladda labaad ee ka doodista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka, iyo wax-ka-beddel kooban oo lagu sameynayo Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, kuwaas oo la xiriira qaab-dhismeedka federaalka, awood-qaybsiga iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Waxaa la tilmaamay in Mudanayaashu aragtiyo kala duwan ka dhiibteen doodaha la soo jeediyey, iyadoo qaar ka mid ah muujiyeen walaac ku aaddan habraaca iyo waqtiga lagu wado wax-ka-beddelka, halka kuwo kalena ay taageereen soo-jeedimaha guddiyada ku shaqada leh.

Maanta, waxaa gudaha xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ka dhacay xaalad siyaasadeed iyo amni oo kacsan, kaddib markii fadhigii la qorsheeyay uu ku burburay buuq, muran kulul iyo joogitaan ciidan oo ballaaran. Xiisaddu waxay ka billaabatay aroortii hore xarunta golaha ee Muqdisho, kaddib markii ciidamo booliis ah la geliyay gudaha hoolka, taasoo ka dhalatay khilaaf u dhexeeyay xildhibaanno mucaarad ah iyo kuwa taageersan dowladda oo ku saabsan furitaanka fadhiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed