Cabdi sahal Shuuriye Xuseen oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maamulka iyo Maaliyadda ee magaalada Beledweyne ayaa xalay xilli dambe kooxo hubeysan ku dileen, waxana ay doonayeen in taleefankiisa ay ka dhacaan.
Weerarka oo abaare 11-kii habeenimoka ka dhacay Xaafadda Xaawo Taako ayaa la sheegay in xiligaas Xuseen iyo nin la socday ay ku sii jeedeen hoygooda, ka dibna koox aan la garaneyn ay dileen.
Ciidamada ammaanka ayaa si deg deg ah goobta dilku ka dhacay u tagay, balse dadaalkii ay ku doonayeen in ay ku soo qabtaan raggaasi ayaa lagu guul dareystay.
Dilkan ayaa ku soo aadaya iyada oo magaalada Beledweyne ay la daalaa dhacayso mowjado burcad ah sida ay HBN TV u shegeeen dad deegaanka, halka ay weerarada nuucaan oo kale ah ay la kulmaan dadka shacabka ah.
Cabdi sahal ayaa la sheegay in ahaa shaqsi sumcad ku dhex lahaa bulshada dhexdeeda. Geeridiisa ayaa waxa ay caro xoogan ku beertay dhalinyarada magaalada Beledweyne, kuwaasi oo dalbanaya in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno, lana soo qabto dadkii ka dambeeyay falkaasi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen raggii geystay dilkaan, balse waxa ay xaqiijiyeen in baaritaanku uu socdo.
HBN ONLNE TV