Guddoomiye Muungaab oo si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka ah

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa sheegay in Caasimadda Muqdisho ay ka soo kabanayso dhibaatooyinkii amni ee hore u saameyn jiray, isla markaana ay maanta ku jirto marxalad nabadeed oo u saamaxaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Muungaab ayaa bogaadiyay dhammaan hay’adaha iyo muwaadiniinta ka qayb qaatay sugidda nabadgelyada Muqdisho, isagoo xusay in ay jiraan dad, sida uu hadalka u dhigay, siyaasad ka dhex raadinaya dhacdooyinka amni-darro, arrintaas oo aanu u arkin mid dan u ah shacabka Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dadka ku nool Caasimadda ay doonayaan inay si xor ah codkooda ugu doortaan cidda matalaysa, wuxuuna adkeeyay in waddada kaliya ee furan ay tahay doorasho dimuqraadi ah.

“Xamar waa nabad, way ka gudubtay nabadgelyo-darro. Dhabbaha keliya ee furan waa doorasho qof iyo cod ah. Ciddii isku kalsoon waa in ay dadkeeda codka ka raadsataa,” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Muqdisho ay ka gudubtay marxalado adag oo ay ka mid ahaayeen rabshado iyo qaraxyo waaweyn oo lagu xasuusto inay galaafteen nolosha dad badan, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta in ay horumarka jira ku raadsadaan tartan siyaasadeed oo nabadeed.

Hadalkan ayaa u muuqda mid jawaab u ahaa wareysi todobaadkii hore lala yeeshay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xaaladda amniga ee Muqdisho ku tilmaamay mid meel aad u liidata mareysa, taas oo dadka Soomaaliyeed welwel badan ku abuurtay.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraya hadda hirgelinta doorashooyinka dowladaha hoose, kuwaas oo la filayo in ay ka billowdaan Gobolka Banaadir 25-ka bishan December, sida uu sheegay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta in ay taageeraan hanaanka doorashada.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed