Guddoomiyaha SODMA oo la kulmay danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dalal kala duwan isagoo kala hadlay arrimo xasaasi ah

Iyadoo lagu guda jiro horumarinta bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin waxa uu la kulmay safiirrada Soomaaliya u jooga dalal kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa safiirada kala hadlay caqabadaha kala duwan ee heysta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ka dhashay is bedelka cimilada ee sababay barakaca iyo nolosha dadka.

Safiiradda  ayaa  u ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda, waxa ayna u caddeeyeen Guddoomiyaha Gobolka in ay diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed ay ka caawiyaan arrimaha bini’aadanimada.

Wadashaqeynta SODMA iyo safiirada dalal kala duwan ayaa cadeyn u ah sida beesha caalamka ay uga go’an tahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka taageerto dadaallada ay ku maareyso musiibooyinka dabiiciga ah iyo xasaradaha bini’aadantinimo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed