Guddoomiyaha Midowga Afrika oo lagu wado inuu howlgalka AUSSOM kala hadlo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Wafdi uu hoggaaminayey guddoomiyaha cusub ee Midowga Africa oo maanta ka soo degay garoonka diyaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,

Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Midowga Africa oo dhawaan la doortay xilka golaha ayaa socdaalkan noqonaya kii ugu horeeyey tan iyo inta xilka loo doortay ee Muqdisho uu ku yimado, isaga oo booqashadiisu qaadan doonto labo maalmood.

Xukuumadda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay u jeedkeedka socdaalka guddoomiye Maxamuud ayaa sheegtay in uu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.

Waxaa lagu wadaa in uu kulamo muhiim ah la qaato Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wadahadli doonaan arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka midowga Africa.

Guddoomiyaha cusub ee golaha midowga Afrika oo xilka loo doortay bartimihii bishii February ee sanadkan 2025 waxaa Maxamuud Cali uu sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda, tan iyo markii xilka loo doortay inay muujineyso ahmiyadda gaarka ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed