Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo tagay Dhuusamareeb iyo u u jeedka socdaalkiisa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen jimcaale Madaale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug halkaas ay si balaaran loogu soo dhaweeyay, waxana garoonka diyaardaaha uu kula klulmay masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Ujeedada Safarkaan ayaa lagu sheegay in guddoomiye Madaale uu kulan muhiim ah la yeelanayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo diirada lagu saarayo dagaalka ka dhanka ah dagaallamayaasha Al shabaab ee ka socda dalka.

Madaale ayaa dhankiisa u waday madaxweynaha in maamulka gobolka Banaadir uu garab taagan yahay ciidamada isku dhafka ah ee dagaalka ku jiro, sidoo kale waxaa uu fariin ka waday shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo maamlmo ka hor dhigay isku soo bax ay ku taageerayaan dagaalka Al shabab lagula jiro sidii loo dardar gelin lahaa.

Muddooyinkii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo kala duwan Dhuusamareeb kula yeelanyay masuuliyiinta ugu sarreyso dalka, iyada oo isbuucii hore uu kulan xasaasi ah la yeeshay guddoomiyaasha labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed