Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo Cabdulaahi Cabdi Jamac Shimbir oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka soo horjeesaday doorashada maanta Kismaayo uu ku soo baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Jubbaland ee dib doorashada seddexaad madaxweynaha ayuu sheegay gddoomiyaha Gedo in dadka uu matalo ay diidan yihiin wixii maanta ka soo baxay, isaga oo ku tilmamay mid sharci darro ah.
Sida oo kale, waxaa uu carrabaabay in doorashada uu qabtay Madaxweye Axmed Madoobe oo aan laga soo tala galin, sidaas awgeedna aanay suurtagal aheyn in ay ku hoos shaqeeyaan.
Duqa gobolka Gedo ayaa sheegay in uu taageerayo doorashada DFS ku talo jirto in dalka ay qabato ee ah doorasho qof iyo cod ah.
HBN ONLINE TV