Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ka ddib markii uu casuumay dhiggiiisa Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Madoobe oo wafdiga ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in socdaalkooda dalka uu yahay mid taariikhi ah oo ah tacabka ay kaalinta ku lahaayeen dalka Jabuuti, isaga oo carrababay in maalmo wafdigan ay ku sugnaan doonaan Soomaaliya.
Sida oo kale, Guddoomiye Baarlamaanka Jabuuti Dileyta oo kaga mahadceliyey soo dhaweynta masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay yihiin dad Jabuuti Soomaali ah, aysana joogin dal ajanabi ah.
Inta uu Guddoomiye Dileyte ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi madaxda sare ee dalka iyo xubnaha kale oo ay kawada hadli doonnaan xaaladda iyo xiriirka labada dal.
Sida oo kale macada u jeedada kale ee socdaalka masuuliyiintan culus ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaa oo si aan muuqan uga hadlay scodaalkooda.
HBN ONLINE TV

