Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aanan caadi aheyn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka  Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka barlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Wasiiradaan ayaa maalin ka hor la wareegay xilalka kuwaas oo lagu wado in ah is beddel ku sameyaan wasaaradaha loo magacaabay, isla markaana ay soo bandhigaan wax qabad muuqda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed